Fully funded

YALI RLC East Africa Digital Technology cohort 1

Ma tahay hoggaamiye aragti fog leh oo si firfircoon uga qaybqaadanaya isbeddelka dijitaalka ah ee Afrika? Ma leedahay rikoodh cad oo ku saabsan hagidda mashaariic saamayn leh oo dhisaya xirfadaha dijitaalka ah iyo horumarinta bulshadaada? Haddii ay jawaabtaadu haa tahay, fursad cajiib ah ayaa kuu furan si aad dadaalkaaga u labanlaabto!

Barnaamijka Teknolojiyadda Dijitaalka (DTA Cohort 1), oo ay martigelinayso Xarunta Hoggaanka YALI ee Bariga Afrika, ayaa hadda qaadanaysa codsiyo. Barnaamijkan gebi ahaanba waa bilaash waxaana loo diyaariyey hoggaamiyeyaasha da’da yar ee heegganka u ah horumarinta mustaqbalka dijitaalka ah ee Afrika. Codsiyadda barnaamijkani waxay furmayaan 6da bisha Koowaad ee sanadka 2025 ilaa 17 bisha koowaad ee sanadkan 2025.

Si aad u hesho warbixinaddeena dambe kusoo biir bahda aqoonyaha.

Blank Form (#6)

Faa’iidooyinka Barnaamijkan

Haddii aad ku guuleysato inaad kamid noqoto Ka-qaybgalayaashu waxay fursad u heli doonaan in laga kafaalo qaado waxkasta oo kusaabsan barnaamijkan ee dhaqaalo ah sida:

  • Qarashaadka tikidhkaaga diyaarada.
  • Daganaanshahaaga inta aad ka qeybqaadanayso barnaamijkan.
  • Waxkasta oo uu ardaygu u baahan karo.

Wadamada ka qeybqaadan kara

Barnaamijkan waxaa loo ogolyahay dhallinyarada hoggaamiyeyaasha ah ee ka kala socda Bariga Afrika iyo wixii ka baxsan ee xiisaynaya arimmaha horumarinta dijitaalka ah ee Afrika. Wadamada u qalma waxaa ka mid ah kuwa ku jira shabakadda YALI RLC Bariga Afrika:
Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Ereteriya, Koonfurta Suudaan, iyo Suudaan.

Habka Codsiga

Si aad u codsato barnaamijkan iska diiwaangeli halkan kahor 17ka bisha January 2025
https://sis.yalieastafrica.org/mis/Login/

Comments (5)

Leave A Comment

Your Comment
All comments are held for moderation.

Mohamed Abdullahi Dubbad

Jan 11

I really interested this specific program.

Reply

Rashiid

Jan 12

Ila soo hadal

Reply

Ilyaas hasan nuure

Jan 13

Good jop

Reply

Abdi aziiz abdulaahi

Jan 13

I interest

Reply

Idris

Jan 14

I am interesting

Reply