
Haddii aad hadda shaqo la’aan tahay, waxaan kuu hayaa fursad ama “challenge” muhiim ah oo haddii aad si dhab ah u fuliso aad 30 maalmood ama ka yar shaqo ku heli karto (95% Ilaahay idinkii). Si aad yoolkaan muhiimka ah u gaadho, raac tallaabooyinka fudud ee soo socda:
1. Codso Shaqooyin Badan
30-ka maalmood ee soo socda, maalin kasta hal shaqo ka codso websites-ka lagu soo xayaysiiyo shaqooyinka, marka laga reebo shaqooyinka xirfadda sare leh ee gaarka ah sida Caafimaadka iyo Engineering-ka haddii aadan xirfaddaas lahayn.
Waxaad codsan kartaa shaqooyinka sida:
- Sales
- Marketing
- IT/Computer
- GIS
- Project Management
- Coding
Xitaa haddii xirfad cusub lagaaga baahan yahay, qaado Crash Course (3 maalmood ah), hana is-yasin—waxaad awooddaa inaad barato oo aad ku guulaysato.
2. Booqo Shirkadaha (Networking Strategy)
Afarta toddobaad ee kujira 30-kaas maalmood, isbuuc kasta 2 maalmood (tusaale ahaan Isniin iyo Arbaco) samee tallaabooyinkan soo socda:
- Soo iibso 20 baqshadood (Envelopes) iyo 20 CV oo si xirfad leh loo diyaariyay.
- Baqshadahaas CV-ga ku rid oo ku lugee shirkadaha magaalada aad joogto oo dhan.
- Shirkad kasta marka aad tagto kudheh: “Xafiiska HR-ka ayaan doonayaa, fadlan ii tilmaama.”
- Marka aad tagto xafiiska HR-ka, si fiican iskubar oo u sheeg xirfaddaada. U muuji inaad diyaar u tahay inaad xitaa lacag la’aan ku shaqeyso si aad xirfaddaada iyo kartidaada u soo bandhigto. Ka qaado lambarka WhatsApp-ka qofka masuulka ah oo isbuuc kadib la xiriir. Balse ha ku ekaan halkaas oo kaliya, bishii mar salaan u dir si ay kuugu xasuustaan fursadaha cusub ee soo baxa.
3. Ha dayicin, hana yasin Shaqooyinka hoose ama Mushaarka Yar
Ha diidin shaqooyinka hoose ama kuwa mushaharka yar; waa albaab kuu furmaya oo aad ku baran karto dad cusub, waana jidkii ugu horreeyay ee guushaada shaqo. Haddii aad tahay qof dadaal badan oo hami leh, shaqadaas ayaa kuu noqonaysa jaranjaro aad ku gaadho heer sare ilaa heer maamule ama ka sare.
4. Ka faa’iideyso Shabakadda Xiriirka Qoyskaaga iyo Dadka aad Taqaanno
Soomaalidu waa dad isgarasho wax ku bixiya xooga saar dadka aad garanayso ee kugaranaya ka biloow adeer, abti, eedo xitaa adeer afaraad ilaa tol wixii ganacsi leh sidaas u target-gareey, sababtoo ah systemkeena ayaa sidaas ah mararka qaar waa inaad is raaciso daadka.
5. Kobci Xiriirkaaga Bulshada
Inta lagu jiro bishaas isku day inaad barato dad badan oo cusub, telefoonkaaguna haka buuxsamo xiriirro kala duwan sida:
- Hebel Marketing Manager shirkad X
- Heblaayo HR shirkad Y
- Hebel Project Manager shirkad Z
Xusuusnow: “Network-gaagu waa Networth-gaaga.”
WAABA INTAAN UUN:
- Isku day wax kasta.
- Ha is-yasin shaqo kasta.
- Ha yaraysan mushaar.
- Garaac albaab kasta oo fursad kaaga muuqato.
Ogsoonoow: Waad awooddaa inaad wax walba ku guulaysato haddii aad go’aan dhab ah qaadato oo aad Ilaahay talo saaratid.
Guul iyo Gobanimo ayaan kuu rajaynayaa!
Comments (2)
Fartuun saalax ahmed
says July 11, 2025 at 9:34 amIntrest
Cali muxumed cabdullahi
says July 18, 2025 at 3:18 pmMahadsanidiin