Fully funded

Apply: AI FOR SCIENCE MASTERS

Fursadaan cajiibka ah waa fursad ay maalgelineyso shirkadda Google waxaana bixineysa deeqdan jaamacad kutaala dalka Koonfur afrika, hadaba si aad u codsato barnaamijkan iyo xogtiisa ka aqrisa halkan hoose.

Si aad u codsan karto barnaamijka AI for Science, waa inaad:

  1. Noqotaa muwaadin kasoo jeeda waddan Afrikaan
  2. Dhameystay shahaadada bachelorka ah ee afar sano
  3. Ahayn qof horey u haystay deeq waxbarasho oo ay hore usiisay AIMS.

Shahaadadaada bachelor-ka waxay noqon kartaa mid aad ka heysto major Physics, Maths, Statistics, Computer science, Engineering ama aqoon kale oo xidhiidh fiican la leh xisaabta ama computer science

Si aad u codsato barnaamijkan waxaad u baahantahay inaad diyaarsato:

  1. CV-gaaga
  2. Warqad dhiirigelin ah oo ka kooban ilaa 500 oo erey
  3. Natiijooyinkaaga waxbarashada sida shahaadadaadii iyo transcript
  4. Su’aalo qoraal ah oo ku saabsan xisaabta (kuwaas oo laga heli doono goobta codsiga)
  5. Su’aalo kusaabsan coding-ka oo aad xalin doonto (oo laga heli doono goobta codsiga)

Si aad u codsato barnaamijkan, waxaad u baahantahay inaad buuxiso foomamka dalabka barnaamijkan inta kahoreysa 21 bisha 3aad 2025, adigoo booqanaya linkigan: APPLY NOW!

40 arday ayaa lagu xulan doonaa barnaamijka 2025, waxaana mid walba si buuxda loogu taageeri doonaa deeqda waxbarasho ee Google DeepMind ee AIMS.

Comments (2)

Leave A Comment

Your Comment
All comments are held for moderation.

Abdiladif Abdikadir

Jan 30

Warqad Dhiirrigelin ah

Kuwa la socda riyada weyn, ha niyad jabina! Noloshu waa safar ay ka buuxaan fursado iyo caqabado, balse guusha waxaa hela kuwa aan ka harin dadaalka. Maanta, waxaan rabaa inaan kugu dhiirrigeliyo inaad rumaysato kartidaada, aad u dhabar-adaygto yoolalkaaga, oo aad ka adkaato caqabadaha hortaagan horumarkaaga.

Nolosha ma ahan mid toos u socota, ee waa waddo leh hoos iyo kor, dhibaato iyo farxad. Dad badan ayaa guuleysta kaliya markay ka adkaadaan caqabadaha nolosha. Waxaad u baahan tahay adkaysi iyo samir si aad u gaarto meeshii aad hiigsanaysay. Ha ka baqin khaladaadka, maxaa yeelay waa casharro qiimo leh oo aad uga faa’iidaysan karto safarkaaga.

Haddii aad rabto inaad wax weyn nolosha ka gaarto, waxa ugu horreeya ee aad u baahan tahay waa riyo cad. Riyadaadu waa hagahaaga; waxay kuu tilmaamaysaa halka aad rabto inaad gaarto. Laakiin riyo kali ah wax ma tarto haddii aadan ficil u beddelin. Waa inaad qorshaysaa, aad shaqaysaa, oo aad u dhabar-adaygtaa sidii aad ugu guulaysan lahayd. Dadka guuleysta ma aha kuwa nasiibka leh, ee waa kuwa halganka aan ka daalin.

Markaad la kulanto caqabado, ha niyad jabin. Xusuusnow, caqabaduhu waa tijaabo lagugu xoojinayo, laguna barayo sida aad u noqon lahayd qof adag oo karti badan. Xaalad kasta oo adag waa fursad aad ku barato wax cusub oo aad isku diyaarsato mustaqbal ifaya. Guusha ugu weyn waxaa hela kuwa aan marnaba quusan.

Dadka caanka ah ee maanta la yaqaanno, sida Elon Musk, Oprah Winfrey, iyo Cristiano Ronaldo, dhammaantood waxay la kulmeen caqabado waaweyn, balse ma aysan quusan. Waxay ka faa’iidaysteen khaladaadkooda, waxayna ka dhigeen jaranjaro ay sare ugu kaceen. Adna sidaas oo kale, haddii aad dulqaad yeelato, waad gaari doontaa guusha aad ku riyoonayso.

Mar kasta oo aad dareento daal, ama aad rabto inaad is dhiibto, xasuuso sababta aad u bilowday. Xusuuso yoolkaaga, riyadaada, iyo rajada aad nolosha ka qabto. Hal tallaabo oo horey loo qaado waxay kuu dhoweynaysaa guusha. Ha ka baqin inaad naftaada u hurto sidii aad u gaari lahayd halka aad rabto.

Ugu dambayn, waxaan rabaa inaan kuu sheego: waad awoodaa! Waad gaari kartaa yoolalkaaga haddii aad adkaysi yeelato, aad si hagar la’aan ah u dadaasho, aadna aaminto naftaada. Ha u ogolaan cabsida ama shaki kasta inuu hakiyo horumarkaaga. Noloshaadu waa adiga, adigaa go’aaminaya sida ay noqonayso.

Waa waqtigii aad dhisi lahayd mustaqbalkaaga. Ha sugin, ha baqin, ha niyad jabin – horey u soco, oo guushaada raadso!

Reply

Updifataah

Jan 31

Hello everyone

Reply